Guddiga Xallinta Khilaafaadka oo doortay Guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeen

Xubnaha guddiga xalinta khilaafaadka doorashada Soomaaliya ee uu muranku ka taagan yahay ayaa maanta magaalada Muqdisho ku doortay guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeen.

Doorashadan ayaa dhacday iyadoo xubnahaan aysan metelaad ku laheyn maamullada Jubbaland iyo Puntland oo iyagu aan weli soo gudbin xubnihii ku meteli lahaa.

Wasiirkii hore Cabdullaahi Abyan Nuur ayaa loo doortay guddoomiyaha guddiga lagu muransanyahay ee xalinta khilaafaadka doorashada Soomaaliya, waxaana tanaasulay musharaxii kula tartami lahaa xilkaas oo ah Cali Seeko.

Sidoo kale guddoomiyihii hore ee gobolka Shabeellada Hoose Maxamed Ibraahim Barre ayaa noqday guddoomiye ku xigeenka guddiga lagu muransanyahay ee xalinta khilaafaadka ee doorashooyinka dadban.

Cabdiraxmaan Shoode oo markii hore isusoo sharaxay inuu xilkaas kula tartamo ayaa tanaasulay, Xoghayaha guddiga ayaa sidoo kale loo doortay Farxiya Xasan Cismaan, mana jirin qof kula tartantay.

Doorashada guddigan ayaa ku soo aadeysa iyadoo laba maalin ka hor ay guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeen iska dhex doorteen xubnaha guddiga lagu muransanyahay ee doorashada dadban.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More