Guddiga Xallinta Khilaafkaad oo go’aan ka gaaray kursiga uu ku guuleystey Mahdi Guuleed

Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka ayaa go’aan ka gaaray dacwad laga gudbiyay Kursi Nambar #HOP239 oo dhowaan loo doortay Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Mahdi Guuleed.

Guddiga ayaa shaaciyay hannaanka loo maray doorashada kursiga ay tahay mid sax ah oo waafaqsan Habraaca loo dejiyay doorashada dadban, waxaana lagu wargeliyay Guddiga doorashada heer federaal inay u fasaxan yihiin laga bilaabo maanta ku dhawaaqista natiijada kursiga nambarkiisa yahay #HOP239.

Kursigan ayaa waxaa dacwad ka gudbiyay Xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo horey ugu fadhiyay waxana ka dhashay in guddiga xalinta khilafaadaka hakiyaan shaacinta natiijada kursigan, waxaana baaris guddiga sameeyeen ugu dambeyn shaaciyeen in kursigan hanaanka loo maray uu sax yahay.

Halkan ka Akhriso Go’aanka kursigan kasoo saareen guddiga Xalinta Khilaafaadka.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More