Guddoomiyihii gobolka Sh/hoose Cabdiqaadir Siidii oo xilka laga qaaday

Madaxweynaha maamul goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa xilka ka qaaday gudoomiyihii gobolka Shabeellaha Hoose Cabdiqaadir Nuur Siidii,isagoo u magacaabay guddoomiye cusub Maxamed Cabdiraxiin Nuur.

Sidoo kale,Madaxweyne Laftagareen, ayaa xilka ka qaaday gudoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasada gobolka Shabeellaha hoose Cabdikariin Axmed Afarsheegle isagoo xilkaas u magacaabay Axmed Cumar.

Lama oga sababta keentay xilka qaadista mas’uuliyiintan balse waxaa ay ku soo beegmeysaa xilli dhawaan uu khilaaf ka dhashay dhismaha golaha deegaanka magaalada Baraawe.

Guddoomiyihii Gobolka Shabeellaha Hoose Cabduqaadir Maxamed Nuur Sidii ayaa hore sidan oo kale xilka guddoomiyanimada gobolka Sh/hoose looga qaaday,hase yeeshee waxaa uu xilkan ugu dambeeyay uu hayay tan iyo 16-kii Bishii November ee sanadkii 2020.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More