Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan oo lagu diley Muqdisho

Koox hubeysan ayaa ku diley fiidnimadii caawa degmada Wadajir ee gobolka Banaadir Guddoomiyahii hore ee gobolka Hiiraan Cabdiraxmaan Ibraahim Macow.

Allaha u naxariistee Cabdiraxmaan Ibraahim Macow ayaa ka soo baxay masjid uu ku soo tukaday salaada cishaha isagoo ku sii jeeday gurigiisa xilligii la dilayay.Marxuumka ayaa ka mid ah guddoomiyaashii soo maray gobolka Hiiraan,

Dilalka kooxaha bastooladaha ku hubeysan ayaa ku soo badanaya caasimada dalka ee Muqdisho waxaana dhowr maalmood kahor lagu diley degmada Yaaqshiid nabadoon caan ahaa xilli uu ka soo baxay masjid uu ku tukaday salaada Casira,

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More