Guddoonka Golaha Shacabka oo go’aan ka gaaray xildhibaanada lagu doortay Ceel-Waaq

May 08 (Jowhar.com)–Qoraal ka soo baxay guddoonka Golaha Shacabka ayaa lagu sheegay in xildhibaanada lagu soo doortay magaalada Ceel Waaq ee gobolka Gedo ay yihiin xildhibaanada saxda ah ee raacay habraaca doorashada dalka.

Warka ka soo baxay guddoonka golaha shacabka ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Jubbaland uu furay qabashada doorashada xildhibaanada lagu soo doortay Ceel Waaq isla markaana ay haystaan shahaadada rasmiga ah ee guddiga doorashada heer federal.

Waxa uu shaacinta qoraalkan ku soo beegmay xilli uu magaalada Muqdisho gaaray Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More