Hanti Dhowraha Guud ee Qaranka oo ka hadlay heshiiska Kireynta Tiyaatarka

Hanti Dhowraha Guud Qaranka ayaa sharci darro ku tilmaamay heshiis ay wasaarada warfaafinta ku kireeysay qeyb kamid ah Tiyaatarka Qaranka balse lagu joojiyay amar ka soo baxay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Warqad kasoo baxday Xafiiska Hantidhawrka Guud ayaa lagu sheegay in Wasaaradda Warfaafinta “ay si cad ugu xadgudubtay nidaamka dowliga ah iyo shuruucda dalka maadaama Wasiirka Wasaaradda uu maamulka hantida Wasaaradda u maray sifo aan sharciga waafaqsanayn.”

Waxa uu sidoo kale Xafiiska Hantidhawrka Guud sheegay in bixinta dhulkan aysan wax dan/faa’iido ugu jirin guud haan shacabka iyo bahda fanka Soomaaliyeed, sida qoraalka lagu dhigay.

Xafiiska Hantidhawrka Guud ayaa faray Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta afar qodob oo kala ah:

1. In uu si degdeg ah uu gebi ahaanba u joojiyo arrinka bixinta dhulka Tiyaatarka Qaranka uuna Wasiirku muddo 72 sacaadood gudahooda marka warqadan soo gaarto uu soo saaro qoraal rasmi ah oo lagu joojinayo bixinta dhulka Tiyaatarka Qaranka iyo in Xafiiska Hantidhawrka Guud uu la soo wadaago dhammaan heshiisyada la xiriira dhulal kale oo ay Wasaaradda bixisay haddii ay jiraan;

2. In Wasiirku uu si maangal ah oo mas’uuliyad ku jirto u maamulo dhulka danta guud ee Wasaaradda Warfaafinta;

3. In arrimaha maamulka hantida Wasaaradda aan looga faa’iidaysan dano gaar ah ama shaqsiyadeed;

4. In uu gacan siiyo bahda fanka iyo dhaqanka oo kaalin muhiim ah uga jira dib u dhiska dalka iyo wacyigalinta dadweynaha, uuna joojiyo tallaabooyinka dhibaataynaya bahda fanka iyo dhaqanka guud ahaan.

Xafiiska Hantidhawrka Guud ayaa dhinaca kale sheegay inuu uu si adag ugu digayo hay’adaha iyo mas’uuliyiinta Dowladda in ay hantida ummadda si sharci darro ah u maamulaan iyadoo laga faa’iidaysanayo xilliyada kala guurka ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More