Hantidhawrka Guud ee Qaranka oo Macluumaad ku wareejiyay Xeer Ilaaliyaha Guud

June 01 (Jowhar.com)-Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa lagu wareejiyay macluumaad ku saabsan baaris la xiriirta markab dhuxul sida oo lagu xannibay Saldanada Cumaan.

Xafiiska Hantidhawrka ayaa sheegay in ay baaritaan ku sameeyeen macluumaadka la xiriira kiiska markabka dhuxusha lagu xayiray Saldanada Cummaar ayna u wareejiyeen si loo dhamaystiro baarista kiiska.

Talaabadan ayaa ka dambeysay ka dib markii Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu dhowaan shaqada ka joojiyey Wasiirka arrimaha dibeda Cabdisaciid Muuse Cali oo uu ku eedeeyey inuu fasaxay markab dhuxul sharci daro ah ka qaaday Somalia oo gaaray dalka Cumaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More