Haweeney aan muslim eheyn oo Daacishta Soomaaliya askarta u qorta oo maxkamad lasoo taagayo

Aug 21 (Jowhar.com)-Haweeney 34 jir ah ayaa lagu eedeeyay falal argagixisanimo waxaana lagu wadaa in maanta la soo taago maxkamad ku taal magaalada Nairobi.

Zuena Nakhumicha Machabe ayaa bishii Juuly laga soo qabtay xadka ay wadaagaan dalalkaTanzania iyo Zambia, iyadoo baxsad ka ah booliska Kenya.

Waxaa lagu eedeeyay in ay rag badan u qortay Daacishta Soomaaliya gaarahanana kuwa ku sugan deegaannada maamul goboleedka Puntland, kuwaas oo horay loo xiray

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More