Haweeney Agaasime Waaxeed ka ahayd Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo la diley

Waxaa lagu diley magaalada Muqdisho Allaha unaxariistee Safiyo Abuukar Karaani oo ka mid ah Agaasime waaxedyada wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada dowlada federalka Soomaaliya.

Safiya Abuukar Karaani ayaa kooxo bastoolado ku hubeysan waxay ku dileen meel ku dhow isgoyska Sayidka ee wadada Maka Al Mukaramma.Raggii dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday kahor inta aysan gaarin ciidamada ammaanka.

Allaha u Naxariistee Safiya Karaani waxaa lix sano ka hor la dilay seygeeda oo soo noqday Wasiirkii Gaashaandhigga ee Xukuumadda Nuur Cadde.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More