Heshiis hordhac ah oo lagu gaaray shirka ka socda Teendhada Afisiyoooni

Ilo ku dhow dhow shirka uga socda Teendhada Afisyooni ee u dhexeeya Madaxda Dowlad Federalka, Madaxda Maamul Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in mabdi’iyan la isku raacay in shirka soo socda la ballaariyo.

Heshiiska hordhaca ah ee la gaaray ayaa waxaa ka mid ah in furitaanka shirka soo socda ay ka soo qeyb galaan Guddoomiyeyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka,

Madaxweynayaashi hore, Ra’iisul Wasaarayaashi, qeybaha kala duwan ee bulshada.
Qodobada laga heshiiyay ayaa waxaa ay ka mid ahaayeen shuruudo ay hore ugu xireen shirka Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland. Saciid Deni iyo Axmed Madoobe.

Heshiiskan ayaa imanaya maalin kadib markii ay Beesha Caalamka ay ka codsadeen madaxda Soomaaliya inay heshiis gaaraan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More