Hormuud Salaam Foundation oo 400 Haamood oo Oksajiin ah ugu deeqday Dadka uu soo rito Xanuunka Covid-19

Hormuud Salaam Foundation ayaa maanta ugu deeqdey Isbitaalada lagula tacaalo dadka uu soo rito xanuuunka Covid-19 , 400 haamood oo Oksajiin ah.

Deeqdaas ayaa maanta waxaa ay Hormuud Salaam Foundation ku wareejisey Wasaarada Caaafimaadka ee Soomaaliya iyo Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha, wareejinta deeqdaas ayaa ka dhacday gudaha Dekeda weyn ee Muqdisho.

Gudoomiyaha Hormuud Salaam Foundation Abdullahi Nur Osman oo ugu horeyn goobta ka hadlay ayaa sheegey, in deeqdaan oo ku jirta Container ay ka kooban tahay 400 haamood oo Oxygen ku jiraan iyo Af-xir ama face mask ayna ka keeneen dalka dibadiisa gaar ahaan magaalada Dubai ee UAE.

Gudoomyaha waxaa uu sheegey in Hormuud Salaam Somali Foundation ay marwalba garab taagan yihiin dadka Soomaaliyeed duruuf kastaa oo lasoo gudboonaata garab istaagoodana uu sii socon doono hadii alle idmo.

Dhanka kale waxaa goobta ka hadlay Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Martiini Dr Abdirsaaq Yusuf (Jalaaludiin) oo sheegey in Hey’ada Hormuud Salaam Foundation ay siisey garab istaag buuxa oo dhan walba ah sanadkii hore iyo sanadkaanba ay bixineeysay Oksajiinta laga isticmaalo Isbitaalka Martiini.

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay Senator Abdi Awaale Qeybdiid oo ka tirsan Aqalk Sare ee Soomaaliya, oo asigana aad ugu dheeraadey waxqabadka muuqda ee Hormuud Salaam Foundation ay mar walbaa la garab taagan tahay dadka iyo dalka Soomaaliyeed wuxuuna ugu baaqay dowlada iyo dadka Soomaaliyeed in Shirkadda Isgaarsiinta ee Hormuud Telecom loo aqoonsado Shirkad Qaran dadka Soomaaliyeedna ay wada ilaashadaan maadaama ay dadka Soomaaliyeed garab taagan tahay mar walba.

Sheekh Bashiir Axmed Salaam gudoomiyaha Hey’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa amaan iyo bogaadin usoo jeediyey bahda Hromuud Telecom iyo Hormuud Salaam Foundation wuxuuna allaha uga baryey inuu hantidooda u barakeeyo wuxuuna ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed ineey ku daydaan Hormuud.

Xoghaya joogtada ee Xafiiska Prime ministerka ayaa waxaa uu aad u amaanay kaalinta ay Hormuud Telecom ka qaataan mar walba garab istaaga dadka Soomaaliyeed

Dhawaan ayay eheed markii hey’ada Hormuud salaam Foundation ay ugu deeqday isbitaalada 2,500 laba kun iyo shan boqol haamood oo Oksajiin ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More