Hormuud Salaam Foundation oo Gargaar Gaarsiisey Xabsiga Dhexe iyo Naafada Milatariga

Mar. 27 (Jowhar.com)- Hormuud Salaam Foundation, ayaa maanta gargaar isugu jira, Timir, Dharka Ciida iyo Geel, Gudoonsiiyey Xabsiga dhexe ee Muqdisho ka dib munaasabad lagu qabtay Xabsiga dhexe dhexdiisa.

Gudoomiyaha Hormuud Salaam Foundation, Abdullahi Nur Osman, oo gudoonsiiyey deeqdaan ayaa sheegey in deeqdaan aay ugu talo galeen, maxabiista ku jirta xabsiga dhexe, si aay ugu kaalmeystaan bisha barakeeysan ee Ramadaan, wuxuuna allah uga baryey inuu u barakeeyo.

Gudoomiyaha ayaa sidoo sheegey, in baahiyaha kale oo ka jira xabsiga dhexe, sida Biyaha iyo dad u xiran lacago yar oo loo heysto, ay ka qaban doonaan wixii suuragal ah.

Taliyaha Xabsiga Sareeye Guuto Daahir Abdulle Raage, oo isna goobta ka hadlay ayaa u mahad celiyey Hormuud Salaam Foundation, taageerada ay mar walbaa la garab taagan tahay Xabsiga dhexe ee Somalia, iyo Maxaabiista ku jirtaba, waxaana uu sheegey in raashinkaan iyo dharkaan ay gaarsiin doonaan Maxabiista ku xiran xabsiga.

Dhanka kala taliyaha ayaa sheegey in xabsiga dhexe uu ka halaabay ceelkii biyaha macaanaa iyo tubooyinkii keenayey, haatana ay ka jirto biyo la’aan taasoo keeni karta khatar kale oo ah in shuban ka dilaaco maadaama biyaha macaan halaabeen, waxaana uu ka codsaday Hey’ada Hormuud Salaam Foundation iney arintaa gacan ka geysato oo ah sidii biyo macaan loogu heli lahaa Maxabiista.

Taliyaha xabsiga ayaa intaas ku daray in aay jiraan maxaabiis ku jira xabsiga oo uu u dhamaaday mudadii aay xirnaayeen, oo u xiran lacago yar oo loo heysto, wuxuuna codsaday in dadkaa laga bixiyo lacagahaas yar si aay xoriyadoodi u helaan.

Ku simaha Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Abdikariin Ali Afrax, oo gunaanadkii ka hadlay ayaa aad ugu mahad celiyey Hormuud Salaam Foundation taageeradooda joogtada ah, wuxuuna allah uga baryey inuu xoolahooda u barakeeyo, Taliayah ayaa asigana xoojiyey codsiga taliyaha xabsiga oo ah in laga caawiyo ceelka biyaha iyo sidii loo hagaajin lahaa .

Dhanka kale Hormuud Salaam Foundation ayaa Timir iyo lacag cadaan cash ah gudoonsiisey, Naafada Ciidamada Military ee ku naafoobay dagaalkii 1977 ee Ethiopia iyo Somalia dhexmaray ee ku nool, xarunta Isbitaalka Martiini ee magaalada muqdisho, Gudoomiyaha Hormuud Salaam Foundation Abdullahi Nur Osman , ayaa sheegey in naafada ciidamada Soomaaliyeed aay yihiin dad usoo naafoobay dalkaan, markastaana aay garab taagan yihiin, kaalmeyn doonaana mar kastaa oo suuragala. Gudoomiyaha Naafada Xooga dalka Mudane Abdullahi Faarax Shuriye, iyo afhayeenka Abdullahi Maxamed Ducaale oo goobta ka hadlay ayaa uga mahad celiyey Hormuud Salaam Foundation, garab istaagooda iyo caawintooda joogtada , waxaana allah uga baryeen inuu xoolahooda u barakeeyo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More