Hormuud Telecom oo ku guuleysatay Billadda GLOMO Awards

Mar 3 (Jowhar.com)-Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom ayaa markii ugu horreysay waxa ay ku guuleysatay Abaalgudka Hal-abuurka Shirkadaha Moobaylka ugu wanaagsan, taageeridda xaaladaha degdegga ah iyo Gargaarka bani’aadamka oo sanadkan lagu qabtay magaalada Barcelona ee dalka Spain.

Abaalgudkan oo ah sanadle ayaa waxaa bixiya Madashada Billadda Caalamiga ah ee adeegga Mobaylka ee Global Mobile Awards ama GLOMO Awards, Abaalgudkani waa mid kamid Billadaha ugu tayada iyo heerka sarreeya adduunka oo dhan, waxaa si gaar ah xoogga loogu saaraa Wershadeynta iyo Hal-abuurka iyada oo ay maamulkeeda iyo kala hufidda guuleystayaasha ay maamulaan Qubaro xirfad sare leh oo lagu soo xulo waaya-aragnimada iyo aqoonta ay u leeyihiin dhinacyada Wershadeynta, Hal-abuurka iyo Teknolajiyadda.

Guddoomiyaha Hormuud telecom Axmed Maxamuud Yuusuf oo ka hadlay abaalgudka Global Mobile Awards ee Hal-abuurka Shirkadaha Mobaylka ugu wanaagsan taageeridda xaaladaha degdegga ah iyo Gargaarka bani’aadamka ee sanadkan ay ku guuleysatay Hormuud ayaa yiri: Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan GLOMO Awards ka guddoomo Abaalgudkan, Aniga oo metalaya Hormuud Telecom, Shirkad ahana waxa aan mar walba iskudaynaa in aan caaiwno dadka u baahan Kaalmada iyo gacan-qabshada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More