Howlgalka ATMIS oo bandow afar cisho ah ku soo rogtay Xerada Xalane

April 24 (Jowhar.com) -Howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS, ayaa qoraal ka soo baxay lagu sheegay in bandow socon doona afar cisho ah lagu soo rogey xerada Xalane iyo guud ahaan garoonka dayuuradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho.

Qoraal ayaa lagu sheegay in laga bilaabo 25 ilaa 28 bishan aynu ku jirno ay xaalad bandow ay ku soo rugeen xeyndaabka garoonka Aadan Cadde.

Bandowgan ayaa saameyn doona dhammaan goobaha ay degan yihiin ATMIS, xarumaha UN-ka iyo dhammaan safaardaha degan gudaha garoonka dayuuradaha.

Bandowgan ay ATMIS ku dhawaaqday ayaa waxaa ay ku soo beegantay qabashada doorashada Guddoonka golaha shacabka oo la qorsheeyay inay ka dhacdo teendhada Afisiyooni oo ku taalla xeyndaabka garoonka Aadan cadde 27-ka bishan Abriil.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More