Inka badan 160 Tahriibayaal ah oo ku geeriyootay xeebaha dalka Libya

In ka badan 160 tahriibayaal ah ayaa ku qaraqmay laba doon oo ay saarnaayeen dad tahriibayay xeebaha dalka Liibiya todobaadkii la soo dhaafay, sida ay sheegtay sarkaal ka tirsan hay’adda socdaalka ee Qaramada Midoobay.

Safa Msehli, oo ah afhayeenka Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka, ayaa sheegtay Talaadadii in ugu yaraan 102 tahriibayaal ah la soo wariyay in ay dhinteen ka dib markii ay Jimcihii dooni ay la socdeen oo alwaax ah ku degtay xeebaha Liibiya.

Ugu yaraan siddeed kale ayaa la badbaadiyay oo dib loogu celiyay xeebta, ayay tiri Safa Msehli.

Ilaalada xeebaha Liibiya ayaa soo saaray ugu yaraan 62 meyd oo muhaajiriin ah sabtidii aynu ka soo gudubnay,iyadoo isla maalintaas ilaalada xeebuhu waxa ay qabteen doon saddexaad oo alwaax ah oo ay saarnaayeen ugu yaraan 210 muhaajiriin ah.

Dhimashadan ayaa ah musiibooyinkii ugu dambeeyay ee ka dhacay badda Mediterranean-ka oo ay ku lug leeyihiin muhaajiriin dooneysa inay nolol wanaagsan ka helaan qaarada Yurub.

Tirada guud ee mujaahiriinta ku dhimatay marinka dhexe ee Mediterranean ayaa gaartay ka ilaa 1,500 sanadkan sida ay sheegeyso Msehli.

Bilihii la soo dhaafay ayaa waxaa isa soo tarayay isku dayada looga gudbayo Liibiya iyadoo maamulku uu dardar geliyay howlgallada ka dhanka ah muhaajiriinta ku sugan caasimadda Tripoli.

Ilaa 31,500 oo muhaajiriin ah ayaa la qabtay oo dib loogu celiyay Liibiya 2021, marka la barbar dhigo ku dhawaad ​​11,900 oo muhaajiriin ah sanadkii hore, sida ay sheegtay IOM.

Halka,ku dhawaad ​​980 muhaajiriin ah ayaa dhintay sanadkii 2020, sida ay sheegtay hay’adda Qaramada Midoobay.

Liibiya ayaa noqotay meesha ugu badan ee ay maraan dadka ka cararaya dagaalada iyo faqriga ee Afrika iyo Bariga Dhexe.

Dalka saliida qaniga ku ah ayaa galay fowdo kadib kacdoonkii NATO ee lagu afgambiyay laguna dilay hogaamiyihii mudada dheer xukumayay Mucamar Al Qadaafi sanadkii 2011-kii.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More