Inkabadan 20 qof oo ku dhimatay doon ku degtay meel kudhow magaalada Gaarisa

April 29 (Jowhar.com)-Ku dhawaad 21 qof oo rakaab ah ayaa laga cabsi qabaa inay dhinteen kadib markii doonidii ay la socdeen ay ku degtay deegaanka Kona Punda oo ka tirsan degmada Madogo ee ismaamulka Tana River.

Doonida oo ay saarnaayeen in ka badan 40-qof oo rakaab ah ayaa ku sii jeedday magaalada Garissa iyadoo ka baxday degmada Madogo, halkaasoo ay ka soo qaadday rakaabkii saarnaa.

Ciidamada Booliska ayaa hadda ku sugan goobta, waxaana socda gurmadka iyo howlaha samatabixinta.

Waa marki ugu horreysay inta la xasuusto oo shil noocani oo kale ah uu ka dhaco wadaddan isku xirta Nairobi iyo Garissa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More