Inku dhow labaatan ruux oo ku nool Hirshabelle oo laga helay Covid 19

Wasaaradda Caafimaadka dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay kiisaskii ugu dambeeyay ee cudurka Karoonaha iyadoo dadka ugu badan ee laga helay cudurkan ay ku sugan yihiin dowlad goboleedka Hirshabelle.

Tirada 24 saac ee ugu dambaysay laga baaray COVID-19 guud ahaan wadanka 645 waxaana guud ahaan laga helay dad gaaray 20 ruux.

Hase yeeshee 17 ka mid ah dadkan ayaa waxaa ay ku sugan yihiin Hirshabelle inkastoo aan la cadeyn magaalada ay ka joogaan,halka 2 ruux ay ku sugan yihiin Somaliland 1 ruuxna Banaadir.

Dalka Soomaaliya ayaa intii uu cudurkan soo galay waxaa laga helay dad gaaraya 14,768 balse waxaa ka bogsaday 6,964 waxaana u dhintey dad gaaraya 773 ruux sida ay shaacisay wasaarada caafimaadka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More