Isbitaalka Guud ee degmada Balcad oo laga fuliyay howlo indhofiiqis lacag la’aan ah (Sawiro)

Howlo indhofiiq lacag la’aan ah oo ay ka faa’ideysteen inka badan boqol ruux oo isugu jira rag iyo dumar ayna fuliyeen kooxda dhakhaatiirta Dr Shiino ayaa laga fuliyay isbitaalka guud ee degmada Balcad.

Dadka ka faa’ideystey indho fiiqan ayaa ka kala yimid deegaano badan oo kamid ah degmada Balcad.

“Guud ahaan dadkii qalliinka lagu sameeyay waa lagu guuleystey waxayna ahaayeen dad labo indhood la’aa iyo kuwo hal il la’aa.”ayuu yiri Dr Caabidiin oo ka mid ah dhakhaatiirta ka howlgasha isbitaalka guud ee degmada Balcad.

Xildhibaan Xasan Maxamed Xaaji oo ka mid ah xildhibaanada Hirshabelle ayaa uga mahadceliyay kooxda dhakhaatiirta Dr Shiine howlaha indhofiiqista lacag la’aanta ah ee ay ka fuliyeen isbitaalka degmada Balcad.

“Waxaan halkan aan uga mahadcelinayaa kooxda dhakhaatiirta Shiine sida ay marwalba ugu heegan yihiin inay wax u qabtaan bulshada Soomaaliyeed iyagoo ka fuliya Hirshabelle howlaha indhofiiqis ah gaar ahaan degmada Balcad.”ayuu yiri xildhibaan Xasan Maxamed Xaaji.

Kooxda dhakhaatiirta uu hoggaamiyo Dr Shiine ayaa howlo indhofiiqis ah hore uga fuliyay isbitaalka guud ee degmada Balcad oo ay gacanta ku hayso hay’ada SOS.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More