Israa’iil iyo Xamaas oo markii 3aad isweydaarsaday maxaabiis

Nov 26 (Jowhar.com)-Israa’iil ayaa ka sii deysay xabsiyadeeda 39 maxbuus oo Falastiiniyiin ah,kadib markii ururka Xamaas uu sii daayay 13 Isra’iiliyiin ah iyo 4 ruux oo kale oo u dhashay dalal kale.

Maxaabiis Falastiiniyiin la sii daayay ayaa intooda badan kuwo aan qaangaarin oo dambiyo waaweyn gelin, waxaana la soo bandhigayaa xaqiiqada dhabta ah ee ah in ay Israa’iil si xun ula dhaqmeyso dadka reer Falastiin.

Qaar ka mid ah la haystayaashii maanta ay Xamaas sii deysay ayaa si toos ah loo geeyay Israa’iil, sababtoo ah mid ka mid ah waxay ahayd haweeney da’ ah oo u baahnayd daaweyn degdeg ah.

Kooxdan ayaa markii hore lagu waday in loo gacan geliyo Masar, si la mid ah kuwii la sii daayay Jimcihii iyo Sabtidii, balse taa beddelkeeda waxaa la geeyey waqooyiga Qaza oo loo raray koonfurta Israa’iil.
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in Abigail Edan oo 4 jir Mareykan ah ay sii daayeen kooxda Xamaas.

“Waa xor oo waxay joogtaa Israa’iil,” ayuu yidhi, isagoo raaciyay inuu filayo in maxaabiis badan oo Maraykan ah la sii daayo.

Dhinaca kale,Xamaas ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay raadinayso inay kordhiso afarta maalmood ee xabbad joojinta Israel haddii si dhab ah loogu dadaalo sidii loo kordhin lahaa tirada maxaabiista Falastiiniyiinta ah ee laga sii daayo Israel, sida lagu sheegay warbixin ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More