Israa’iil oo amartay in loo yeero kaydadka militariga kadib markii weerar culus lagu qaaday

Oct 07 (Jowhar.com)-Ciidamada difaaca Israa’iil ayaa sheegay in ay ku dhawaaqayaan “xaalad diyaar u ahaansho dagaal” iyaga oo ka jawaabaya weerarka lama filaanka ah ee Gaza uga yimid.

Wasiirka gaashaandhiga ayaa ansixiyay in loogu yeero kaydadka militariga.

Ciidamada Israel ayaa bilaabay inay duqeymo aargoosi ah ka fuliyaan marinka Qaza, waxayna ka digeen in Xamaas ay khasaare aad u culus la kulmi doonto.

Tobaneeyo nin oo hubeysan oo ka tirsan kooxda Islaamiga ah ee Xamaas ayaa u muuqda in ay weerar lama filaan ah ku galeen koonfurta Israa’iil, waxaana haatan lagu hayaa baadi goob.

Milateriga Israa’iil ayaa sheegay inay duqaynayaan bartilmaameedyo ku yaal marinka Qaza iyadoo lagu jiro “qiimayn xaaladeed”.

Horaantii, daraasiin gantaallo ah ayaa lagu soo riday dhanka Israa’iil, kuwaas oo keenay in seeriga duullaanka hawada ee guud ahaan dalka uu dhawaaqo.

Kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

Garabkeeda hubaysan ayaa sheegay in 20 daqiiqo gudahood ay ku rideen 5,000 oo gantaal.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More