Israa’iil oo si cad u diiday go’aan ka soo baxay Maraykanka

May 10 (Jowhar.com)-Israa’iil ayaa Khamiistii ka soo horjeesatay go’aanka uu qaatay Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ee uu ku hakiyey shixnad hub ah oo loo waday Israa’iil, isaga oo ka walaacsan hawlgalka Milateri ay Israa’iil qorshaysay inay ku qaaddo magaalada Rafah, kaas oo Maraykanku uu sheegay inaanu taageersanayn.

Danjiraha Israa’iil u fadhiya Qaramada Midoobay Gilad Erdan ayaa tallaabada uu qaaday madaxweyne Biden ku tilmaamay inay tahay “mi adag oo aad looga xumaado, inay ka soo yeedho, madaxweyne aan abaal u haynay, tan iyo bilawgii dagaalka” ayuu yidhi.

Wasiirka amniga qaranka ee Israa’iil, Itamar Ben Gvir oo ah shakhsi si weyn ugu janjeedha midigta-fog, ayaa bartiisa X, ee hore loogu yaqaanay Twitter, ku sheegay in “Xamaas ay jeceshahay Biden”.

Madaxweyne Biden ayaa habeenimadii Arbacadii, xilli uu waraysi siinayey telefiishanka CNN, wucuu sheegay in Maraykanku uu sii wadi doono inuu Israa’iil siiyo hubka difaaca, sida rasaasta Iron Dome.

Madaxweynaha ayaa markale ku celiyey, inuu u caddeeyey Israa’iil, haddii ay ku sii adkaysato inay gasho Rafax, inaanu siin doonin hubkii ay hore u siin jireen, si ay ugu isticmaalaan weerarkooda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More