Israel oo 10,000 oo duqeymo cirka ah ka geysatay Qasa tan iyo 7-dii October

Dec 04 (Jowhar.com)-ICiidamada Israa’iil ayaa sheegay in ay qaadeen ku dhawaad “10,000 oo duqeymo cirka ah” oo ay ka gaysteen Marinka Qasa tan iyo bilowgii dagaalka 7-dii October.

Ciidanka Israa’iil ayaa ku macneeyay arrintaan in ciidamadooda dhulka iyo cirku ay “si wada jir ah u wada shaqaynayaan” si ay “hawlgalkii dhulka ah ee ciidanka Israa’iil ee Marinka Qasa” u guulaysto.

Mar sii horreysay, afhayeenka xukuumadda Israa’iil Elon Levy ayaa ku dhawaaqay in ciidammada Israa’iil ay awood u yeesheen inay aqoonsadaan 800 oo godad dhulka hoostiisa mara oo ku yaalla Qasa, kuwaas oo 500 oo ka mid ah la burburiyay.

Dhaqdhaqaaqa Xamaas ayaan wax war ah kasoo saarin warkaan ku saabsan beegsiga godadkooda ee Isr’aail ay sheegatay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More