Israel oo duqeyn ku dishay sarkaal ka tirsan Xisbullah

Apr 09 (Jowhar.com)-Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay Isniintii inay fuliyeen duqayn dhinaca cirka ah oo ka dhacday Koonfurta Lubnaan, waxayna intaas ku dareen, inay dileen sarkaal sare oo ka tirsan ururka Xisbullah.

Israa’iil ayaa ku eedaysay sarkaalka ay dileen oo ay ku magcaabeen Cali Axmed Xassin, inuu ka tirsanaa ciidamada lagu magcaabo Radwan, isaga oo weeraro kala duwan ka fuliyey woqooyiga Israa’iil.

Ururka Xisbullah ayaa shaaciyey dhimashada mid ka mida saraakiishooda oo isla magacan wata, hase ahaatee faahfaahin intaas ka badan may bixinin.

Ciidamada Israa’iil ayaa sidoo kale weerar ku dilay laba qof oo kale.

Weerarada dhinaca xuduuda ee u dhexeeya Ciidamada Israa’iil iyo Xisbullah ayaa soo noqnoqonayey tan iyo lixdii bilood ee ugu dambeeyey ee uu socday dagaalka Qaza.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More