Israel oo reer Qaza ku amartay in laga guuro Khan Younis

Dec 05 (Jowhar.com)- Israa’iil waxay Isniintii ku amartay dad ree Gaza inay ka baxaan qaybo ka mid ah Khan Younis – magaalada ugu weyn ee koonfurta – iyagoo u guuraaya dhinaca xeebta Mediterranean iyo Rafah, oo u dhow xadka Masar.

Ciidamada IDF ayaa amar ku bixisay in dadka degan lix xaafadood oo waqooyiga iyo bartamaha ah – al-Mahatta, al-Katiba, Hamad, al-Satir, Bani Suheila iyo Ma’in – ay si degdeg ah u baxaan si ay “u ilaashadaan amaankooda “.

Qiyaastii 167,000 oo qof ayaa ku nool deegaanka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More