Isra’iil iyo Xamaas oo isweydaarsaday Maxaabiis kadib heshiis xabad joojin ah oo dhaqan gashay

Nov 24 (Jowhar.com)- Israa’iil ayaa xaqiijisay in 39 maxbuus oo falastiiniyiin ah la sii daayay ,halka Ururka Xamaas ay sii daayeen 13 la haystayaal Israa’iil ah bilowga heshiis ay dhexdhexaadisay dowlada Qadar.
Maxaabiista Falastiiniyiinta ah ee la sii daayay ayaa ah haween iyo kuwo aan qaan gaarin waxaana laga sii daayay saddex xabsi oo kala ah Damon, Megiddo iyo Ofer .

Wasaaradda arrimaha dibadda Qatar ayaa xaqiijisay in maxaabiis falastiiniyiin ah lagu sii daayay qeyb ka mid ah heshiiska la haystayaasha ayna ku sii jeedaan Daanta Galbeed.

Dadweyne aad u fara badan ayaa isugu soo baxay degmada Beituniya ee ku taal Daanta Galbeed,si ay u soo dhoweeyeen dadka Falastiiniyiinta ah ee la sii daayay.

Muuqaalo la faafiyay ayaa muujinayay mid kamid ah maxbuus Falastiini ah oo la sii daayay, laguna magacaabo Marah Bakir, oo qoyskeeda ay ku soo dhaweeyeen bariga Quddus.

Marah Bakir oo la xiray sanadkii 2015 iyadoo 16 jir ah oo la xirey kadib markii gacan laga toogtay ayaa sheegtay in qaar badan oo ka mid ah maxaabiista la sii daayay ay u baahan yihiin daryeel caafimaad.”Dhammaan maxaabiista waxaa soo gaaray dayacaad caafimaad oo daran intii ay xirnaayeen,” ayay tiri.

Saraakiisha Xamaas ayaa sii daayay 13 la hayste oo Israa’iili ah, oo ay weheliyaan 10 u dhashay Thailand iyo muwaadin Filibiin ah.

Waxaa lagu wadaa in la sii daayo illaa 50 haween iyo carruur ah oo lagu haysto Gaza oo ka mid ah in ka badan 200 oo qof oo Israa’iil ay sheegtay in la afduubay markii dagaalyahannada Xamaas ay weerareen Israa’iil 7-dii Oktoobar.
Heshiiska waxaa sidoo kale ka mid ah sii deynta 150 haween iyo carruur Falastiiniyiin ah oo ku xiran Xabsiyada Israa’iil.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More