Isra’il oo heshay meydadka muwaadiniintii ay ka dishay Xamaas

Palestinian rescue worker Ibrahim Hamdan and his colleague wait for an emergency call, amid fear and exhaustion under Israeli air strikes, in Khan Younis in the southern Gaza Strip October 12, 2023. REUTERS/Ibraheem Abu Mustafa

Oct 14 (Jowhar.com)-Meydadka qaar ka mid ah Israa’iiliyiintii ay Xamaas ku qabsadeen weerarkooda toddobaad ka hor ayay ciidamada Israa’iil soo heleen intii lagu guda jiray duullaan dhinaca dhulka ah oo Jimcihii lagu qaaday Gaza, sida ay ku warramayaan wargeysyada Israa’iil.

Haaretz iyo Jerusalem Post ayaa sheegay in ciidamada difaaca Israa’iil ay heleen meydad aan tiradooda la cayimin, kuwaas oo dib loogu soo celiyay dhulka Israa’iil, waxaana la helay qaar ka mid ah alaabo ay leeyihiin dad la la’yahay.

Dhanka kale war cusub oo hadda soo dhacay ayaa lagu sheegay in tirada dadka ee ay Xamaas haystaan ay tahay 120 qof.

Tirada dadka lagu dilay Gaza ee duqeymaha Israel ayaa gaartay 1,900, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Gaza.

Tirada dhaawaca ayaa gaareysa 7,696, sida uu sheegay afhayeenka wasaaradda. Wuxuu intaas ku daray in 60% dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ay ahaayeen haween iyo carruur.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More