James Swan oo Muqdisho kula kulmay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe

Wakiilka gaar ka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa caawa kula kulmay magaalada Muqdisho Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) oo maanta soo gaaray Muqdisho .
`
Kulankan dhax maray Axmed Madoobe iyo Danjire James Swam ayaa ka dhacay hoyga uu Madaxweynaha Jubbaland ka dagan yahay magaalada Muqdisho, waxa labada dhinac isugu yimaadeen kulan is wareysi ah.

Wararka laga helayo kulankan ayaa sheegaya in kulankan diirada lagu saaray shirka la filayo in magaalada Muqdisho uga furmo Dowlada federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada iyo sidii xal looga gaari lahaa khilaafka ka taagan doorashada.

Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa magaalada Muqdisho u yimid sidii uu uga qeyb gali lahaa shir ay isugu imaanayaan madaxda DF iyo kuwa dowlad goboleedyada si xal looga gaaro khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada.

Madaxda Maamul goboleedyada Galmudug,Puntland iyo Koofurgalbeed ayaa la filayaa inay berri soo gaaraan magaalada Muqdisho halka Madaxweynaha Hirshabelle uu hore u sii joogay Muqdisho.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More