Kenya oo u tababaraysa Geel ka hortagga Miinooyinka

July 20 (Jowhar.com)-Dowlada Kenya ayaa bilowday inay u tababarto geella sidii loogaga hortagi lahaa miinooyinka dhulka lagu aaso ee geysta qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Illaa 200 oo neef oo geel ah ayaa la aqoonsaday, la daweeyay, laguna tababaray inay diyaar u noqdaan qorshahaan loogaga hortagayo miinooyinka.

Geella ayaa loo tababarayaa in ay meel fog ka ogaadaan waxyaabaha qarxa oo si ay ugu baraarugaan wadayaasha. Waxaana lagu soo bandhigay degmada Isiolo dhawaan geelan loo carbiyay ka hortagga miinooyinka.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa u xilsaaray kooxda Calvary Team, oo ah koox ku cusub ciidamada booliiska dalka Kenya. Kooxdan ayaa lagu tababaray meelo kala duwan oo ay ku jiraan dhulka hoose iyo midka sare iyo kuwo qalalan, si ay ula qabsadaan xaalad kasta.

Goobaha waxaa ka mid ah Cherengany Hills, Mombasa, Mandhera, Isiolo, Taita Taveta iyo Naivasha, sida ay saraakiishu sheegeen. Tobankii sano ee la soo dhaafay, waxaa meelo ka mid ah dalka Kenya ka dhacayay qatarta weeraro loo adeegsaday walxaha qarxa.

Tirakoobyada rasmiga ah ayaa muujinaya in Kenya ay ku weyday in ka badan 100 ka mid ah saraakiisha ammaanka iyo laba jibaar dad rayid ah oo lagu dilay qaraxyo la soo dhigay waddooyinka.
Ma cadda inta ay qaadan doonto in wax laga qabto khatarta hadda ka taagan xuduudka dheer ee Kenya iyo Soomaaliya iyo amni darada ka jirta.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More