Kenya oo xirtay waddada kaliya ee isku xirta gobolka Waqooyi Bari iyo Nairobi

Apr 09 (Jowhar.com)-Wakaaladda Jidadka Kenya ayaa xirtay wadada dheer ee isku xirta gobolka Waqooyi Bari iyo dalka intiisa kale, cabsi laga qabo daadad xooggan oo ku soo rogmadey jidkan halbowlaha u ah dhaqdhaqaaqa ganacsiga iyo gaadiidka dadweynaha.

Arrintan ayaa imaaneysa iyadoo roobab mahiigaan ah ay ka curteen gobolka, ku waas oo laga abo in ay go’doomiyaan gobolka oo inta badan waxyaabaha laga isticmaalo uga yimaadaan Nairobi iyo Mombasa.

Dhanka kale 51 qof oo rakaab ah ayaaa dirqi looga bedbaadiyey gaari bas oo daad ku qaaday deegaanka Lager Arile oo u dhow magaalada Gaarisa. Baskan oo sida la sheegay ka dhego adaygay digniin laga soo saaray marista wadadaas ayaa dadku qaaday xilli uu u kala gooshayey magaalooyinka Gaarisa iyo Nairobi.

Gaarigan oo biyuhu liqeen ayaa ku sigtsay in daadku la tago, laakiin gurmad la sameeyey ayaa lagu guuleystey in nolol lagu samata bixiyo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More