Kenyatta oo ku taageeray musharaxii hore ee Odinga in uu noqdo madaxweynaha Kenya

Mar 12 (Jowhar.com) -Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ku taageeray ninka ay hore u wada tartamayeen ee xilka ugu sareeya dalkaasi, todobaadyo ka dib markii xisbiyadooda ay midoobeen ka hor doorashooyinka madaxtinimo iyo tan baarlamaanka ee bisha Ogosto.

“Waxaan u dooranay Raila Odinga in uu noqdo madaxweynaha shanaad ee Kenya”ayuu yiri Kenyatta.

Ku dhawaaqista ayaa kulmisa laba ka mid ah kuwa ugu sareeya ee siyaasadda Kenya, kuwaas oo leh taariikh dheer oo ay iskaga soo horjeedaan sanduuqa codbixinta.

Balse 2018-kii, Kenyatta iyo Odinga ayaa ka yaabsaday dalka markii ay is gacan qaadeen oo ay ku dhawaaqeen xabbad-joojin ka dib rabshadihii ka dhashay doorashadii 2017-kii oo ay ku dhinteen tobanaan qof.

Bishii hore, xisbiga Jubilee ee Kenyatta ayaa ku dhawaaqay inuu ku biirayo isbahaysiga Azimio la Umoja (Quest for Unity) ee uu hoggaamiyo Odinga.

Sabtidii, Kenyatta wuxuu ku dhawaaqay inuu taageerayo hoggaamiyaha mucaaradka ee ruug-caddaaga ah, isagoo yiri: “Wax shaki ah kama qabno inaan kabtan kooxeed ku leenahay Raila Amolo Odinga.”

Odinga, oo 77 jir ah, ayaa ku jawaabay inuu aqbalay taageerada Kenyatta.
“Waxaan ku aqbalay magacaabista mahad buuxda iyo u heellanaanta dadkeena,” ayuu raaciyay.

Ruto, oo 54 jir ah, ayaa markii hore Kenyatta uu u magacaabay inuu noqdo beddelkiisa, laakiin waxa uu is arkay isaga oo la takooray ka dib heshiiskii 2018 ee u dhaxeeyay madaxweynaha iyo cadowgiisii ​​hore.

Wadanka ku yaal Bariga Afrika waxaa sida caadada ah maamula madaxweynayaal ka soo jeeda qabiilka Kikuyu ee ugu weyn sida Kenyatta ama qabiilka Kalenjin sida Ruto.

Tartanka sanadkan ayaa isu diyaarinaya inuu noqdo tartan laba faras ah oo u dhexeeya Ruto iyo Odinga, oo ka soo jeeda qabiilka Luo.

Odinga oo horey u ahaa maxbuus siyaasadeed iyo ra’iisul wasaare, ayaa helay taageerada ugu yaraan 26 xisbi oo hadda ka tirsan isbaheysiga Azimio la Umoja.

In ka badan 1,100 Kenyan ah ayaa naftooda ku waayey 2007dii markii natiijadii doorashada lagu murmay ay dhalisay rabshado qabiil.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More