Khilaafka ka dhex taagan Ciidamada PSF iyo Maamulka Deni oo sii xoogeysanaya

Waxaa weli taagan khilaaf u dhexeeya dowlada Puntland iyo Ciidamada PSF ayaa sii xoogeysanaya iyadoo weli ay taliyaasha ciidamada PSF diidan yihiin inay raacaan amarka Madaxweyne Deni oo uu ku bedelay taliyihii PSFta.

Hay’adda PSF ayaa shaacisay in aysan awaamiirta dhanka Amniga ka qaadan doonin ciddii shalay la shaqaynaysay Cadowga inkastoo aysan sheegin magaca ciddaas.

War qoraal ah oo ka soo baxay PSF ayaa sidoo kale lagu sheegay in Ciidamada iyo Saraakiisha PSF yihiin kuwa tababar fiican leh oo ku filan Amniga Shacabka.

Halkan hoose ka aqriso qoraalka ka soo baxay PSF,

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More