Ku dhawaaqista natiijada rasmiga ah ee kursigii uu ku guuleystey Mahdi Guuleed oo la hakiyay

Guddiga Xalinta Khilaafaadka doorashooyinka ayaa hakiyay ku dhawaaqista Natiijada rasmiga ah ee kursiga Nambarkiisu yahay #HOP239 oo shalay doorashadii ka dhacday Xarunta Tababarka Booliska Gen. Kaahiye loogu doortay Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Mahdi Guuleed.

Guddiga ayaa qabtay dacwad uu soo gudbiyay Musharax Xuseen Carab Ciise oo kurisgaas ku fadhiyay, waxaana la faray Guddiga hirgelinta doorashada in la hakiyo ku dhawaaqista natiijada rasmiga ee kursigaas laga bilaabo 2 November inta Guddiga Xalinta Khilaafaadka uu go’aan ka gaarayo dacwada laga soo gudbiyay kursigaas.

Halkan hoose ka aqriso qoraalka Guddiga soo saaray;

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More