Kulanka ansixinta Siyaasadda Qaran ee Maamul Daadejinta iyo Federaalaynta Dalka oo Muqdisho ka furmay

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka XFS Jen.Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa daahfuray ansixinta Siyaasadda Qaran ee Maamul Daadejinta iyo Federaalaynta Dalka.

Wasiirka ayaa sheegay in muddo ay wasaaradu ku hawllanayd inay dhammaystirto xoojisana hannaanka Maamul Baahinta Dalka, si taas loo gaaro Wasaaraddu waxay isku hawshay inay dhammaystirto Siyaasadda Qaran ee Maamul Daadejinta iyo Federaalaynta Dalka, iyadoo la tashiyo la samaynaysa dhammaan hay’adaha dowladda heer Federaal, Dowlad Goboleed iyo Maamulka Gobolka Banaadir, si loo xaqiijiyo in geeddi socodkaan qayb laga ahaa.

Wasiirka ayaa tilmaamay in Ka Wasaarad ahaan ay ku dadaalayso in la dhaqan geliyo hannaanka Federaalka iyo Daadejinta Maamulka Dalka si waafaqsan Dastuurka dalka.

Ugu dambayntii Wasiirka Wasaaradda ayaa u mahad celinayay cid kasta oo gacan ka gaysatay dhammaystirka Siyaasaddan hay’adaha Dowladda iyo hay’adaha bah-wadaagta la ah Wasaasaradda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More