Labo carruur oo walaalo ah oo lagu diley magaalada Baydhabo

Wararka ka imanaya gobolka Bay ayaa sheegya in labo carruur ah oo walaalo ah laga helay meydkooda duleedka magaalada Baydhabo.

Labada Carruurta ah oo shalay aaday dugsi quraan ayaa la waayay xalay hase ahaatee saaka ayaa meydadkooda laga helay duleedka magaalada Baydhabo.

Carruurta ayaa waxa dhalay Aweys Cabdulaahi oo ahaa Xildhibaan hore uga tirsanaa Baarlamaanka Federalka.

Meydka carruurtan oo la geeyay isbitaalka magaalada Baydhabo ayaa waxaa jirkooda ka muuqday dhaawacyo mindi ah.

Arrintan ayaa waxaa aad uga naxay shacabka gobolka Bay, iyada la soo sheegayo in laamaha Ammaanka magaalada Baydhabo ay bilaabeen howlgallo baaritano ah oo la xiriira sidii lagu heli lahaa dadkii ka dambeeyay falkaas.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More