Lafta-gareen oo wakiilka cusub ee Q.Midoobe kala hadlay wajiga labaad ee dagaalka Shabaab

Jun. 14 (Jowhar.com)-Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed  Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Qasriga Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku qaabilay Ergayga cusub ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Danjire Catriona Laing iyo wafdi ay hoggaaminaysay.

Madaxweyne Laftagareen oo qaabilaada ay ku wehlinayeen Wasiiro, La-Taliyaal iyo Agaasimaha Madaxtooyada ayaa Ergeyga Cusub Qaramada Midoobay kala hadlay Arimo ay kamid ahayeen Taagerida Wajiga 2-aad Dagaalka, Xoojinta Hirgelinta Mashariicda Hormarineed iyo sidii wax looga qaban lahaa Abaaraha kusoo noq-noqday Deeganada Koonfur Galbeed.

Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Catriona Laing, ayaa ugu mahadcelisay Madaxweyne Laftagareen iyo Gollaha Wasiirada soo dhoweynta ay usameeyeen waxaan ay Tilmaantay Socdaalkeeda inuu ku qotomo Isbarasho iyo sidii loo Dardargelin lahaa Howlaha Shaqo ee Qaramada Midoobay ay ka wado Guud ahaan Deeganada Koonfur Galbeed.

Waa socdaalkeedii saddexaad ay ku tagto maamulada dalka ka jira, hore waxa ay u tagtay maamulada Hirshabelle iyo Puntland oo ay wadahadalo la soo yeelatay Cali Guudlaawe iyo Siciid Deni.

Waxaa sidoo kale la filayaa iney tagto maamulada Jubaland iyo Galmudug, si ay isu soo bartaan madaxda maamuladaasi oo ay kala hadasho sidii loo xoojin lahaa wadashaqeynta Qaramada Midoobe iyo maamulada dalka ka jiro.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More