Maalintii Saddexaad oo dagaal culus uu ka bilowday magalaada Guriceel

Dagaal xoog leh ayaa saaka maalintii 3aad ka qarxay magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.
Ciidamada maamulka Galmudug oo kaashanaya ciidamada dawladda federaalka iyo ciidamada Ahlu Suna ayaa maalintii saddexaad dagaalkan uu dhex marayaa.

Rasaas xooggan ayaa la isku weydaarsanayaa xaafado ka mid ah magaalada Guriceel iyadoo dadkii magaaladana ay hore uga barkaaceen.

Dagaalka ayaa xooggiisa waxa uu ka socdaa dhinaca Waqooyi ee magaalada halkaas oo ay ku sugan yihiin ururka Ahlu Sunna.

Iyadoo maalintii saddexaad uu dagaalkan galay ayaan muuqan cid isku howshay inay dhex gasho iyadoo la rumeysan yahay in dad ka badan boqol ruux ay dagaalkan ku dhinteen labadii maalmood ee la soo dhaafay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More