Maamul goboleedyada oo loogu baaqay in ay bilaabaan doorashada Golaha Shacabka

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa war saxaafadeed ay soo saareen waxa ay ugu baaqeen Maamul goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir inay si dhaqso ah u bilaabaan doorashada xildhibanaada baarlamaana Golaha Shacabka.

Sidoo kale guddiga Hirgelinta doorashooyinka Heer Federal ayaa ku bogaadiyay bilaabashada Doorashada Golaha Shacabka oo shalay lagu doortay labadii (2) xildhibaan ee ugu horeeyey ee Gollaaha shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyada Federaalka Somaaliya.

Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer fedaraal waxa ay u mahad celiyeen Ra’iisal Wasaaraha XFS mudane Maxamed Xuseen Roobleh oo dadaal xoogan galiyay qabsoomida Doorashada Gollaha Shacabka.

Waxa kale oo ay u mahad celiyeen guddiga maamulka doorashada kuraasta Somaliland (SEIT).Sidoo kale Guddigu waxay ugu baaqeen dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka soomaaliya iyo guddiga maamulaya kuraasta banaadiriga in ay bilaabaan Doorashada Gollaha Shacabka, si looga gudbo marxalada kala guurka ah ee wadanku jiro.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More