Maamul Goboleedyada taageersan Madaxweyne Farmaajo oo ku kala qeybsamay muddo kordhinta Baarlamaanka

Maamul goboleedyada dalka ee saaxibka dhow la ahaa Madaxweyne Farmaajo ayaa ku kala qeybsamay muddo kordhinta labada sano ee Baarlamaana federalka maanta u codeeyay.

Qoraal lagu soo daabacay warbaahinta dowlada ayaa lagu sheegay in maamulada Galmudug,Hirshabelle,Koofurgalbeed iyo gobolka Banaadir ay taageereen go’aanka Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu maanta ka qaatay arrimaha doorashooyinka Qaranka kaasoo dalka dib ugu celinayo doorasho qof iyo cod ah.

Wasiiru Dowlaha Galmudug Cumar Shiddo ayaa beeniyay in warqada lagu baahiyay baraha bulshada iyo warbaahinta dowlada.

“Warqadan waa been abuur wax ka jirana majirto,maamulka Galmudug mowqifkiisu waa cad yahay waxaana shalay cadeeyay Madaxweyen Qoorqoor,”ayuu yiri Wasiir Shiddo.

Hase yeeshee Maamulka Koofurgalbeed ayaa lagu daabacay qoraalka taasoo muujineysa inay raali ka yihin, basle illaa hadda wax war ah oo ku saabsan inay soo dhoweynayaan amaba diidan yihiin muddo kordhinta laga hayo maamul goboleedka Hirshabelle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More