Maamulka gobolka Banaadir oo eedeeyn kulul u soo jeediyay shirkadaha korontada

Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) oo ka hadlay xeritaanka Shirweynaha Hiigsiga Caasimada ee 2040 ayaa eedeeyn kulul u soo jeediyay shirkadaha korontada ee caasimada dalka howlgala.

Cali Cabdi Wardheere guddoomiye ku xigeenka gobolka Banaadir ayaa sheegay in sanadkan dhamaanaya ee 2021 magaalada Muqdisho la diiwaangeliyay illaa 110 jeer oo dab qabsaday guryo iyo goobo ganacsi kuwaasoo ka dhashay koronto.

“Dadka amniga marka ay ka hadlayaan waxa maskaxdooda ku soo dhacda qarax balse waxaa qarax ka daran oo caasimada ay dhibaato ka soo gaarto waa dabka ka dhasha korontada.”ayuu yiri Cali Yare Cali.

Guddoomiye ku xigeenka gobolka Banaadir ayaa ugu baaaqay shirkadaha korontada inay xil weyn iska saaraan sidii looga taxadari lahaa dhibaatada ka dhalata korontada.

Waxa uu guddoomiye ku xigeenku uu sheegay in wixii ka dambeeya sanadkan uu jiri doono isla xisaabtan oo aan loo dulqaadan doonin shirkadaha korontada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More