Maamulka Jubbaland oo soo gabagabeeyay doorashada Senatarada Aqalka Sare

Waxaa maanta lagu soo gabagabeeyay doorashada afar kursi oo ka hartay kuraasta Aqalka Sare ee lagu dooranayay Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Labo kursi oo ka mid ah kuraasta maanta loo tartamayay ayaa waxaa ay gaar u ahaayeen dumar halka labada kalana ay ahaayeen rag.

Xasan Daahir Yarow iyo Cabdi Xuseen Cali ayaa ku tartamay kursiga ugu horeyay, waxaana ku guuleystay Senator Xasan Daahir Yarow oo helay 59 Cod.

Kursiga labaad ayaa waxaa ku tartamay Ibraahim Awgaab Cismaan iyo Farxiyo Macalinta Cabdi, waxaan kursiga Aqalka Sars kusoo baxay Ibraahim Awgaab Cismaan oo helay 57 Cod.

Kursiga Saddexaad ee doorashada Aqalka Sare ayaa waxaa ku tartamay leyla Nuur Maax iyo Xareedo Maxamed, waxaana kursiga ku guuleysatay leylo Nuur Maax oo heshay 63 Cod halka Xareedo Maxamed oo la tartameysay ay heshay 9 Cod.

Kursiga ugu dambeeya ee doorashada Aqalka Sare ee Jubbaland ayaa waxaa ku tartamay Maryan Faarax Kadiye iyo Samsam Maxamed Bishaar, waxaana kursiga Aqalka Sare ku guuleysatay Maryan Faarax Kadiye oo heshay 50 Cod.

Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa noqday maamulkii Afaraad ee soo geba-gabeeya doorashada Aqalka Sare, waxaa la rajeynayaa in dhawaan Maamulka Galmudug lagu soo doorto labada kursi ee uga harsan Aqalka Sare.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More