Maamulka Puntland oo soo bandhigey ciidamo ka soo goostay Gorgor iyo Haramcad 

Maamulka Puntland ayaa maanta magaalada Gaalkacyo ku soo bandhigay ciidamo iyo saraakiil ka tirsanaa ciidamada Gorgor iyo Haramcad ee dowlada federalka.

Wasiirka amniga Puntland Cabdisamad Gallan ayaa sheegay ciidamadan in ay yihiin ciidamo lagu soo tababaray dalka Turkiga, kuwaas oo uu sheegay in ay dowladda federalka kala kulmeen takoor iyo hagardaamo.

Qaar ka mid ah ciidamadan oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay inay ka mid ahaayeen ciidamo hore loogaga qaaday Puntland laguna soo tababaray dalka Turkiga balse loola dhaqamay si aan wanaagsanayn oo shuruucda ciidanka ka mid ahayn.

Somaliland ayaa sidaan oo kale dhawaan sheegtay in ciidamo katirsan Haramcad iyo Gorgor oo kasoo jeeda deegaanadooda ay kasoo goosteen Muqdisho kana dageen magaalada Hargeysa.

Goosashada ciidamo dowladda federalka, waxay loo arkaa in ay qeyb tahay khilaafka siyaasadeed ee ka jira Soomaaliya, iyadoo xusid mudan tahay, in golaha midowga musharrixiinta ay ugu baaqeen ciidamada in aysan u dagaalamin dowlad waqtigeeda dhamaaday.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More