Maamulka Somaliland oo si kulul uga hadlay doorashada Soomaaliya

Maamulka la magacbaxay Somaliland ayaa ka hadlay doorashada ka dhacaysa dalka Soomaaliya waxana qoraal ka soo baxay maamulkaas lagu sheegay inaysan wax shaqo ah ku laheyn doorashada Soomaaliya.

Somaliland waxay digniin u dirtay siyaasiyiinta Soomaaliya ee caalamka ee u gudbinayo waxa ay ku tilmaantay marin habaabinta.

“Sidaa daradeed dawladda Jamhuuriyada Somaliland waxa ay uga digaysaa maamulka iyo siyaasiyiinta soomaaliya sheegashada beenta iyo khiyaaliga kudhisan ee lagu marin habaabinayo bulshada caalaamka” ayaa lagu yiri war saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland.

Qoraalkan kasoo baxay Wasaarada Arimaha dibadda maamulka Somaliland oo loo diray Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo qaar kamid ah wadamada caalamka ayaa lagu sheegay in aysan shaqo ku laheyn Doorashada Soomaaliya.

Halkan ka aqriso qoraalka ka soo baxay Maamulka Somaliland

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More