Macalin Dugsi iyo Dhakhtar walaalo ahaa oo lagu dilay Galgaduud

Dec 10 (Jowhar.com)- Wararka naga soo gaaraya gooblka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in xalay dil loo geystay laba wiil oo walaalo ah, kuwaasoo dilkooda lala xiriiriyay aanooyinka qabiil ee mudooyinkan ka jiray gobolkaasi.

Labada qof ee la dilay oo lagu kala magacaabi jiray Liibaan Xasan Cismaan iyo Dr. Axmed Xasan Cismaan ayaa dilkooda si gaar ah uga dhacay deegaanka Ilix oo u dhexeeyay degmooyinka Guriceel iyo Dhuusa-mareeb.

Marxuum Liibaan waxa uu ahaa macalin dugsi qur’aan, halka Dr. Axmed uu isaguna ahaa dhakhtar ka howlgali jiray Buuhoodle, balse deegaankiisa dib ugu soo laabtay si uu adeeg caafimaad ugu sameeyo dadkiisa.

Kooxihii falka dilkaasi ah geystay ayaa goobta isaga baxsatay, iyadoo dadka deegaanka ay la argagexeen dhacdadan oo ku noqotay lama filaan.

Xaalada deegaanka ayaa haatan ah mid kacsan, iyadoo dadka ay ku goodinayaan aargoosi hadaan la soo qaban danbiilayaashi falkaasi foosha xun ka danbeeyay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More