Madaafiic lagu garaacay qeybo ka mid ah Xarunta Xalane

Tiro madaafiic ah ayaa la sheegay inay ku dhacday xarunta Xalane iyadoo aan wax faahfaahin ah aan laga bixin qasaaraha ka dhashay.

Weerarka madaafiicda ee lagu qaaday xarunta Xalane ayaa imanaya iyadoo lagu wado in dhowaan teendhada Afesiyone oo ku dhow xarunta Xalane lagu qabto shirka Dowlada Federalka,maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Kulankan oo ay soo qabanqaabiyeen beesha caalamka ayaa lagu wadaa in ay ka soo qeybgalaan madaxda maamul goboleedyada Jubbaland iyo Puntland oo hore u diiday inay ka sooq eybgalaan shir uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo.

Ma aha markii ugu horraysay ee hoobiyayaal lagu weeraro garoonka xerada Xalane, waxaana weeraradii horey loogu qaaday badankood sheegtay kooxda Al-Shabaab.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More