Madasha Badbaadada Galmudug oo loogaga dhawaaqay Muqdisho

Madasha Badbaadada Galmudug ayaa looga dhawaaqay Muqdisho, taasoo ah madal mucaarad ah oo ka dhan ah Maamulka Madaxweyne Axmed Qoorqoor oo muddo xileedkiisa ka hartay labo sano.

Kulanka loogaga dhawaaqayay Madashan ayaa waxaa ka soo qeybgalay siyaasiyiin ka soo jeeda Galmudug waxayna qaar ka mid ah siyaasiyiintaa oo hadalo ka jeediyay kulanka ay ka hadleen dib u dhaca ka jira dowlad goboleedka Galmudug iyo sida ay waajibka u tahay in wax laga qabto.

Qoraal ay soo saareen kulankan kadib ayaa lagu sheegay in mudadii labada sano ahayd ee uu madaxweyne ka ahaa Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor uu dib u dhac ku yimid dowlad goboleedka, gaar ahaan arrimaha Bulshada,Amniga,Horumarinta,daahfurnaan dhaqaale iyo la dagaalanka musuqmaasuqa iyo arrimaha doorashooyinka.

Mowjadaha siyaasadeed ee ku bilowday Madaxweyne Qoorqoor ayaa ah mid saameyn doona mustaqbalkiisa negaansho ee labada sano ee soo socoto iyo is bedelka la filayo inuu ku yimaado Doorashada Federaalka, lama oga mida inuu ka badbaadi doono iyo in kale.

Halkan hoose ka aqriso qoraalka ka soo baxay Madasha badbaadada Galmudug

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More