Madasha Xisbiyada oo taageertay in Guddoomiyaha Aqalka Sare soo xulo guddiga doorashooyinka Somaliland

Qoraal ay soo saareen Madashada Xisbiyada Qaran ayaa lagu taageeray in guddiyada doorashooyinka dadban iyo xallinta khilaafaadka uu soo xulo guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Madasha Xisbiyada ayaa ku adkeysay dhammaan madaxda dowlada ee labada heer dowladeed in hannaanka doorashada xubnaha gobolada Waqooyi ku metelaya Baarlamaanka Federalka loo hirgeliyo si hufan oo raali la isaga yahay.

Ugu dambeyntii Madasha Xisbiyada Qaran ayaa ku baaqday in laga fogaado wax walba oo keeni kara is qabqabsi doorashooyinka loo madlan yahay.

Halkan hoose ka aqriso qoraalka ka soo baxay Madasha Xisbiyada Qaran;

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More