Madaxdii Ahlu Sunna oo dib ugu laabatay Galmudug

Hoggaamiyihii guud ee Culimada Ahlusunna Waljameeca ee Macalin Maxamuud Sheekh Xasan ayaa maanta gaaray magaalada Gaalkacyo halka Madaxii Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir uu gaaray magaalada Guriceel.

Dib ugu soo laabashada Madaxdii Ahlu Suna ee Galmudug ayaa lagu macneeyay in ay tahay mid la xiriirta ka qeybgalka kulan diineed ama siyaaro sanad walba loo dhigo Sheekh Yuusuf Direed oo kamid ahaa culumaa’udiinkii gobolka Galgaduud.

Macalin Maxamuud iyo Sheekh Shaakir ayaa deegaanada Galmudug isaga tegay Bishii March 2020, kadib dagaal culus oo Magaalada Dhuusamareeb ku dhexmaray Ciidanka Booliska Haramcad iyo kuwii Ahlusunna, waxaana dagaalkaas ka dhashay khasaaro dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyadeed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More