Madaxweyna Farmaajo oo darajadii ciidanka ka qaaday Taliyihii hore ee Booliska gobolka Banaadir

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa xeer madaxweyne darajadii ciidanka kaga xayuubiyey Taliyihii hore ee Booliska gobolka Banaadir Sareeye Guuto Saadaq Cumar Maxamed (Saadaq Joon).

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa kale oo uu ka xayuubiyey Saadaq Cumar waxii xaquuq ah uu lahaa.

Shalay ayay ahayd markii xilka laga qaaday General Saadaq Joon kadib markii uu sheegay in uu joojiyey kulankii loo balansanaa ee Golaha Shacabka, kaas oo ajandihiisu ahaa ka doodista mooshin la xiriira doorashooyinka.

Talaabada uu qaaday shalay Saadaq Joon ayaa waxaa soo dhoweeyay midowga musharaxiinta oo si weyn u mucaaradsan Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More