Madaxweynaha Galmudug oo ku dhowaaqay dagaal ka dhan ah Alshabaab

Madaxweynaha dowlad Gobooleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor xalay ku booqday Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya gaar ahaan qeybta 21-aad deegaano ay ka socdaan howlgalo ka dhan ah Al-shabaab.

Madaxweyne Qoorqoor oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in dhawaan Al-shabaab ay ka xoreyn doonaan deegaanada ay in muddo ah kaga sugan yihiin Maamulka Galmudug, isla markaana ay la dagaalami doonaan.

Waxaa uu sheegay Qoorqoor in Al-shabaab ay ugu tegi doonaan meel kasta oo ay ka joogaa Galmudug oo ay kasoo abaabulan weerarada qorsheysan, ayna doonayaan in shacabka dhibaateysan kunooladan nabad, waa sida uu hadalka u dhigay.

Gaba-gabadii Madaxweynaha Galmudug Qoorqoor ayaa faray Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Galmudug inay dardar-geliyaan howlgala socda, isla markaana waxaa uu tilmaamay in Madaxda Galmudug ay Ciidanka meel kasta la tegi doonaan.

Si kastaba hadalka Madaxweyne Qoorqoor ayaa uu kusoo aadayaa, iyadoo dhawaan deegaano ka tirsan Galmudug ay dagaalo ku dhexmareen Al-shabaab iyo Ciidanka dowladda iyo kuwa Maamulkaas, sidoo kalena shabaabka ay dhaq-dhaqaaqyo ka sameeyeen halkaas.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More