Madaxweynaha Galmudug oo kulan qadka Zoomka la yeeshay Beesha Caalamka

Xubno ka tirsan Beesha Caalamka ayaa kulan dhanka qadka Zoom-ka la yeeshay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, iyagoo kala hadlay xaaladaha amni ee ku soo kordhay Galmudug iyo sidii degdeg ah loogu soo gabagabeyn lahaa xubnaha ka haray doorashada Aqalka Sare, loona bilaabi lahaa tan Golaha Shacabka.

Ilo ku dhow dhow kulanka ayaa sheegaya in arrimaha lagala hadlay Madaxweynaha Galmudug ay ka mid aheyd xaalada Guriceel iyo gulufka dagaal ee Galmudug qorsheyneyso inay ku qaado Guriceel oo ay heystaan xooggaga Ahlusuna.

Xubnaha Beesha Caalamka ayaa waxa ay kula taliyeen Madaxweyne Qoorqoor wax kasta oo looga baaqsan karo dagaal ka dhaca Gobolka oo xilligan saameyn ku yeesha howlaha doorashada.
Ciidamada dowlada federalka iyo ciidamada Maamulka Galmudug ayaa kaabiga ku haya magaalada Guriceel oo ay ku sugan yihiin maleeshiyaad taabacsan Ururka Ahlu Sunna.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More